Kanada oo laga codsaday inay taageeraan Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

 

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia, Taye Atsake Selassie ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu bixiyey mar uu booqanayey caasimadda dalka Kanada ee Otttawa.

Wasiirku, waxa uu muddo 2 maalmood kulan ka qaatay Madax ka tirsan Dowladda Kanada oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan, Ammaanka Geeska Afrika iyo Hawlgalka AMISOM ee Somalia.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia, Taye Atsake Selassie waxa kale oo uu la kulmay Wasiir-ku-xigeenadda Arrimaha Dibedda iyo horumarinta Caalamka ee dalka Kanada,  Daniel Jean iyo Peter Boehm, oo ay ka wada hadleen  sidii ay taageero uga geysan lahaayeen Xal-u-helista colaadda Somalia.

Wasiiru-dowlaha Arrumaha dibedda ee Ethiopia, waxa uu quudaraynayaa inay Kanada kaalmo dheeraad ka geystaan marka ay timaado La-dagaalanka Kooxaha Argagixisadda ee ku sugan Geesja Afrika, gaar ahaan Somalia.

“Waxaan doonaynaa inay Kanada qeyb ballaaran ka qaataan arrintaasi, waxayna taageero ka geysan karaa Wadaagista Sirdoonka iyo La-dagaalanka Lacagaha Sharci-darradda” ayuu yiri Wasiirka Ethiopia.

Wuxuuna intaasi ku daray inay Kanada taageero ka geysan karaan Hawlgalka haatan socda ee AMISOM, gaar ahaan dhinacyadda Hawlgalladda Maaliyadda, Tababaradda iyo Dhismaha Awoodda.

Ethiopia waxaa Somalia ka jooga Kumanaan Askari oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, inkastoo ay yihiin Ciiddan leh Talis Gaar ah oo u qaabilsan Hawlgelinta Ciiddankaasi oo ku sugan qeybo ka mid ah Goballadda Bay, Bakool, Jubbooyinka, Gedo iyo Galgaduud.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor