Kanada oo ka laabatay qorshe Muwadin Somali loogu gacan gelin lahaa Maraykanka.

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Federalka ee magaalladda Calagary ee dalka Kanada ayaa laalay qorshe Imaam Cabdi Xersi loogu masaafurin lahaa dalka Maraykanka oo ay ka taallo dacwad la xiriirta fal kufsi oo geystay mar uu ku noolaa Maraykanka.

Eedeysanaha oo ah Hoggaamiye caan ka ah Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalka Kanada ayaa la sheegay inaan xilligan loo gacan gelin doonin Hay’adaha Garsoorka ee Maraykanka, oo iyagu sheegay inuu Ninkaasi 2 haween ku fara xumeeyey mar uu ka shaqeynayey Isbitaal ku yaalla Gobalka Minnesota sannadkii 2006-dii.

Imam Cabdi Xersi waxa uu sheegay inuusan Dembi Lahayn, isla markaana uu mar uu iskiisa u tegay dalka Mraaykanka si uu u wajaho Eedeymaha lagu soo oogay, balse dib loogu soo masafuriyey Kanada.

Dhinaca kale, Dowladda Kanada waxay horey kala laabatay Iimaam Cabdi Xersi Aqoonsigii Qaxootinimadda, balse waxa uu ka qaatay Rafcaan, isagoo ku guuleystay in loo soo celiyo Aqoonsigii Qaxootinimadda uu ku joogay dalka Kanada.

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Federalka ayaa bishan Feberaayo 12-dii ku dhawaaqay inuu sii joogi karo Kanada, waxaana Kiiskaasi go’aan Kama Dambays ah ka gaari doona Xubnaha Guddiga Qaxootiga iyo Socdaalka ee dalka Kanada, si ay  mar kale u tixgeliyaan Go’aanka Garsooraha Federalka ka qaatay Xaalladda Imaam Cabdi Xersi.

“Waan faraxsanahay, waa ogaa inuu Sharciga had iyo jeer dhinacayga soo jiro. Waa markii labaad ee aan ku guuleysto Maxkamadda Federalka” ayuu yiri Ninkaasi oo intaasi ku daray inuuku faraxsan yahay inay ugu dambeyntii shaqeysay Caddaaladda.

imam 2

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor