Canada oo cambaareeysay Qaraxyaddii ay Alshabaab ka geysteen Baydhabo.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Kanada, ayaa lagu sheegay inay cambaareynayaan qaraxyaddii dorraad ka dhacay magaalladda Baydhabo, taasi oo ay ku geroyoodeen in ka badan 30-qof, kuna dhaawacmeen 60-kale.

Qoraal ay Dowladda Kanada soo dhigeen Bartooda Twitterka, waxay Tacsi u direen qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen qaraxyadaasi, waxayna Dhibanayaasha dhaawaca ah u rajeeyeen Bogsasho Degdeg ah.

Alshabaab ayaa horey u sheegatay inay ka dambeeyeen Qaraxyaddii ka dhacay magaalladda Baydhabo, iyadoo uu Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka K/Galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan codsaday in Maamulkiisa laga taageero baxnaaniinta Dhibanayaasha sida xun ugu dhaawacantay Qaraxyadaasi.

©Radio Dalsan