Kamaala Harris oo Booqan doonta dalal ku yaalla Qaaradda Aasiya

Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka, Kamaala Hariis waxay bilowga bisha soo socota ee  Agost booqan doontaa dalalka Singabore iyo Vietnam, si loo xoojiyo Xiriirkooda, loona ballaariyo Iskaashiga Dhaqaale.

Harris waxaa Madaxweyne-ku-xigeenkii u horeeyey ee Maraykan ah oo abid booqda dalka Vietnam.

Muddada ay booqanayso labadaasi dal waxay Hoggaamiyayaasha labadaasi dal kala hali doonta Arrimaha Ammaanka Gobalka, Isbedelka Cimilada, Ka-hortaga COVID 19  iyo Galaangalka Shiinaha ee dalalkaasi.

Safarkeeda waxa uu ku soo beegmay, iyadoo uu Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Lloyd Austin soo gebagebeeyey socdaal uu ku tegay dalalka Singapore, Vietnam iyo Filibiin.