Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah kuna began 16/12/2017 waxa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.
Kulanka Maanta ayaa ka mid ah kalfadhiga 2,aad ee Golaha Shacabka,waxaana la sheegay in Maanta la soo xirayo.
Mudanayaasha Baarlamanka ayaa Maanta inta uu socdo kulankooda waxa ay Akhrin marsiin doonaan Warbixinta Guddiga Dastuurka.
Ugu dambeyn Maanta ayaa la soo xiri doonaa kalfadhiga 2,aad ee Golaha Shacabka iyada oo Baarlamanka Soomaaliya uu Maanta fasax galayo, isla markaana uu soo qaadan doono waqti nasasho.
Si kastaba Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u ansixiyay Sharciyo muhiim u ah dalka halka kuwo kale ay weli hor yaalaan.