Kala-bar Shaqsiyaadka ay Dowladda Kenya xayirtay hantidooda oo la shaaciyey inay maalgeliyaan Alshabaab

Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay 30 ka mid ah 86 Maalgaliyayaasha Alshabaab ee la xayiray ay yihiin kuwa sida qarsoodiga Sonkorta ku soo geliya dalka Kenya.

Warbixin qarsoodi ah oo ay Dowladda Kenya diyaarisay oo loo soo dusiyey  Wargeyska The Star ayaa lagu sheegay in kuwa Sonkorta Somalia sida qarsoodiga ku soo geliya Kenya yihiin kuwa sida tooska u maalgeliya Xarakadda Alshabaab.

“Inta badan Sonkorta laga soo tahriibiyo Somalia waxay Kenya ka soo galaan Deegaanadda ay Xarakadda Alshabaab ka maamulaan gudaha dalka Somalia” ayaa lagu yiri Warbixinta ay Dowladda Kenya soo diyaarisay.

Warbixinta waxaa lagu sheegay Kharajka ka soo xerooda Sonkortaasi dib loogu celiyo Hawlgalladda Alshabaab ay ka fuliyaan Somalia iyo Kenya.

Dowladda Kenya waxay kaloo shaacisay magacyadda Ganacsatadda lala xiriirinayo inay maalgeliyaan Alshabaab, kuwaasi oo horey loo xayiray Xisaabaadka ay ku leeyihiin Bangiyadda Kenya.

Magacyadda la xusay ayaa waxaa ka mid ah  Abdullahi Mohamed oo lagu naanayso Abdullahi Mrefu, kaasi oo ay Ilo dhinaca Sirdoonka Kenya sheegaan inuu yahay Madaxa kuwa sida suuqa madow Sonkorta ku soo geliya gudaha Kenya, kuna sugan Xeradda Qaxootiga ee IFO Refugee Camp.

Warbixin dhinaca Sirdoonka Kenya ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in Ganacsadaha lagu magacaabo Abass Ibrahim “Abass Kidhogo” yahay Ku-xigeenka Abdullahi Mrefu, halka Ali Dhuumaal oo ku sugan Xerada Xagar-dheer uu madax ka yahay Shabadda Sonkorta kontorobaanka soo geliya Kenya.

Dukumentiga Dowladda Kenya ka diyaarisay Shaqsiyaadka ku lugta leh Sonkorta Kontorobaanka ku soo geliya Kenya waxaa kaloo lagu xusay nin lagu magacaabo Abdifatah Yare Mohamoud oo isagana ka hawlgala Garissa.

Magacyadda kale ee lagu xusay Dukumentigaasi, laguna soo daabacay Wargeyska Star ayaa waxaa ka mid ah:- Abdalla Godana oo deggan magaalladda Mombasa, laguna eedeeyey inuu Shixnadaha Sonkorta uu ka soo raro dalka Imaaraadka Carabta, ka soo dejiyo Dekedda Kismaayo, kadibna si kontorobaan loogu soo gudbiyo gudaha dalka Kenya.

Ganacsade Mohamed Hassan Ducaale oo deggan Busiya, Ganacsade Abdi Gedi Amino o degfgan Islii, Ali Bashiir Hassan Aden oo madaxa Suuqa Shibaale, Ali Gedi Ali deggan Hodhaan, Ganacsade Abdullahi Mohamed Holale oo deggan Wagberi ee Bariga Wajeer, Duraan Aadan Hersi Sheikjh, deggan Tuulladda Shalete iyo Maxbuub Abdullahi Aden ka mid yihiin Ganacsatadda ay Dowladda Kenya ku eedeynayso inay si kontorobaan Sonkor ku soo geliyaan Kenya iyo inay maalgeliyaan Hawlgalladda Alshabaab, waa sida ay Dowladda Kenya ku andacootay.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor