Kaftan Siyaasadeedka Tagaan: Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Sheekadda Maalmahan shidan ayaa ah Dhismaha Maamul-gobaleedyadda, waxaana haatan dadaal xooggan loogu jiraa sidii la isugu imaan lahaa Madasha la iclaamiyey ee lagu yegleelayo Maamul-gobaleedka Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

cafateria 000Majlis kasta oo ay Bulshadda isugu timaado waxaa laga hadal hayaa Arrintaasi, waxayna dadku ka dhiibanayaan Aragtida la Toosan.

Haddaba, waxaan aad ugu mashquulay sidii aan u soo ururin lahaa Doodaha Bulshadda, Talooyinkooda ku aadan waxa qaldan, sida loo sixi karo iyo Hiigsiga Dhismaha Maamul-gobaleedka Labadaasi Gobal ee deriska ah.

Mid ka mid ah Goobaha ay Bulshadda ku lafa-guraan arrimahaasi ayaan goobjoog ka ahaa, kadibna waxaan ka diyaariyey Kaftan Siyaasadeedkan:

cafeteria 1Diiriye: War waxaan la yaabanahay waxa hortaagan in Maamul-gobaleed loo dhiso Hiiraan iyo Sh/dhexe ?

Sugule: Wax hortaagan ma lahee, Cillad Farsamo ayaa jirta oo loo baahan yahay in la turxaan bixiyo ?

Dhaqane:- Cillad Siyaasadeed iyo Oday-dhaqmeed is-diidan ayaan u malaynayaa inay dhigteen Isbaaro, laakiin waxaa habboon in la ogaado in laga baxay Xilligii Isbaaradda, waxaa la hiigsanayaa Hiigsiga Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda.

Xusuleey: Nabee, Runtaan la sheegaynin, cilladda waa muuqataa, waxaanse dhihi lahaa ood jiidisteeda iyo qaadisteeda waa isla guri-geyn ee waxaan kula talin lahaa Reer Sh/dhexe iyo Reer Hiiraan inaysan ka habsaamin Madasha la isku turxaan bixinayo, la isku qancinayo, laguna dooranayo Hoggaan Mideysan.

Diiriye: Turxaan-bixin ayaa loo baahan yahay, waxaana habboon in Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee Labadaa Gobal inay iyagu si hoose isku hadlaan, la iskana shaafiyo meesha sarta ka qurmayso.

Sugule: Waxaan maqli jirey Hees Hooriskeedu ahaa: War Aan Tashano, Tashan Mayno, Aan kuu taliyo, ii talin maydid… Dulucdeydu waxay tahay inay Siyaasiyiinta Labadaasi Gobal ee Golayaasha Dowladda ka tirsan in ay fadhiga ka kacaan oo ay taageero ka geystaan Dhismaha Maamul-gobaleedkaasi.

Dhaqane: Warkaaga waa Talo Fiican, balse mid ogow Xilligii Kacaanka iyo Maamul kor laga keeno waa laga baxay, waxaana loo baahan yahay in Caqli deggan lagu maareeyo sidii Odayaasha Dhaqanka loogu dhiibi lahaa Talada, si ay Hawsha u hagaagto, waxaadna ogaataa sac ninkii lahaa uu saynta kaga dhegan yahay ma kaco, waana ka baxay.

Xusuleey:- Xaqiiqda waa la taabtay, laakiin, meelo qaar ayaa la maldahay, mid waxaan dhihi lahaa Siyaasiyiinta, midna Odayaasha Dhaqanka. Aan ku horreeyee, Siyaasiyiinta ka soo jeeda Labadaasi Gobal joojiya dagaal-hoosaadka idiin dhexeeyo, ee Taageero ka geysta Qabsoomida Shirkaasi. Tan kale, Odayaasha Dhaqanka waxaa la yiraahdaa waa Marjaca Bulshadda iyo Farsama-yaqaanadda Xal-doonka. Saas darted, Odayaasha iyagoo sharfan, ha tixgeliyaan Dhismaha Maamul-gobaleedka, maadaama inta badan dadka ku nool Goballadda  dhisteen Maamul-gobaleed ay ku caana-maalayaan ee idinkana Duubabka Dhaqanka ayaad tihiinee bal noogu duceeya inuu Rabbi na waafijiyo Talo Mideysan iyo Towfiiq waarta, Aamiin.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor