Kaftan Siyaasadeedka Taagan: Shirka Wada Tashiga Kismaayo iyo Kistaada.

Dadweynaha waxay sannadkan 2016-ka la kowsadeen Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed, Xusul-duub, Loolan Aragtiyeed iyo xaallado kale, waxayna Warbaahinaddu had iyo jeer soo werinayaan Shirar Dhacay, Siyaasiyiin iyo Odayaal Dhaqameedyo wax mucaaradayo iyo kuwo kale oo laga wareysanayo Shirka Wada-Tashiga Qaranka ee gogoshiisa fidsan tahay magaalladda Kismaayo.

cafateria 000Kafateeriyadii aan Kalyantiga ka ahaa ayaan tegay, oo aan ka fariistay halkii aan ka xulan jirey, waxaana indhaha la raacay Barxadda Kafateeriyadda oo aad loo soo camiray, waana caado in marka ay Xiisado Siyaasadeed taagan yihiin inay dadka caadiga ku mashquulaan Falaanqeynta Dhacdooyinka.

Waxaana aad ii soo jiidatay Doodda ay hadal-hayeen koox rag ah oo ku shaahayey meel aan ka fogeyn Kursigii aan fadhiyey.

Waxaan jecleystay inaan idiin soo koobo Wada-sheekeysigooda:-

cafeteria 1Mooge:- Dowladda Federalka  iyo Maamul-gobaleedyadda tartan baa ka dhexeeya, waxaana laga dareemayaa sida ay ugu tabaabushteen Shirka Kismaayo, walee maxaa ka soo bixi doona Shirkaasi.

Olol:-  Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa xiisad leh, waxaana la hadal-hayaa Shaqsiga noqon doona Madaxweynaha Maamulkaasi.

Kulmiye:-  Saadaashaada waa meesheeda, laakiin Ergooyinka Shirka Jowhar  uma muuqdaan kuwo la hoos gelin karo Musharax magacaaban.

Sahal:- Shirka Wada-tashiga Qaranka ayaan indhaha ku wada haynaa, inkastoo uu dhowr jeer dib-u-dhacay, Walee Madaxda Qaranka iyo Maamul-gobaleedyadda waxaa dhex yaalla Xisaabtan Siyaasadeed culayskiisa xambaarsan.

Mooge:- Kulaylka Siyaasadda  iyo Marti-gelinta Kismaayo waa qoddob xiisad xambaarsan, waxaan Kismaayo ku xusuustaa naanaystii loo yaqiinay Berri-samaadkii ee Kismaayo iyo Kistaada, laakiin inta badan dadka haatan ku nool Kismaayo ma filayo inay yaqaanaan sababta iyo xilliga ay naanaystaasi soo caan baxday. Waxaan maqli jirey Geel muxuu kuul ka kasaa….

Olol:- Shirar iyo Siyaasad baan ka hadlaynaa ee maxaad noogu celinaysaa Eray-bixin aan la fahmi karin, waxaan aniga ku soo indho-qaaday Abaartii Daba-dheer iyo Dib-u-dejintii Sablaale iyo Kurtun-waareey, marka Kismaayo kaba dhig sidaas oo kale.

Kulmiye: KKK, war intaad naga joojisaan Kaftanka Siyaasadaysan ee aad isku dhiibaysaan, maxaa saadaal ah oo idinkaga muuqda Shirarka Siyaasadda?  Kollay Aniga waxaan ka naxsanahay Usha lagu tumi doono Suxufiyiinta, mar haddii Xeer iyo Sharci loo yegleelay.

Sahal: Taasi wax aan kaa iraahdo, waan maqlay in Sharciga Saxaafadda Xildhibaanadda u codeeyeen, Madaxweynahana qalinka ku duugay, Wasiir Maareeyena uu yiri Sharciga waa Dhaqangalay. Kollay waxay u muuqataa Nin kastoo madaxaada mayrax ku xiro, oo ha noqonin Suxufigii ugu horreeyey ee Seefta Sharciga lagu xukumo.

Mooge: Waxaan idin weydiiyey goormaa la saxiixi doonaan Sharciga Argagixisadda, Sharciga Isgaarsiinta iyo kuwa kale ee ay Xildhibaanadda mar hore gacan-taag ku ansixiyeen.

Olol: Ma ogi, waxaase u malaynayaa sida ay u kala muhiimsan yihiin in loo kala saxiixayo. Taasi naga gudbiya Suxufiyiinta iyagaa kaa xeellad badan, kaana oohin badan.

Kulmiye:- Walee, Cigaal Shidaad baa waxa uu dhaxal u reebay Oraah uu yiri mar la weydiiyey: “War Cigaal maxaad la oynaysaa, waxu waa subxaanyo”, markaasuu yiri: “Waxaan la ooynayaa inay jid ka dhigato inta u dhexeyso Sankayga iyo Farruurtayda. Waxaan arrinkaasi ugala jeedaa Annaga waxaan nahay Dhegeystayaal Idaacad iyo Daawadayaal Telefishin, Weriyayaasha oo la ganaaxo ama la dabro Xirfadooda dhib bay inoo tahay illayn Soomaalidu waa War-ku-noole dhab ah.

Sahal: In Sharciga la dhowro ceeb ma aha, ee Shirka Kismaayo waxa uu iigu muuqdaa inay Ergooyinka geli doonaan Xarig-jiid Siyaasadeed, waayo weli waa lagu kala qeybsan yahay Nidaamka la qaadan doono, qaar waxay ku dhegan yihiin Saami-qeybsiga Awoodda ku dhisan Nidaamka Beelaha, halka kuwo kalena leeyihiin ha la tijaabiyo Nidaamka Deegaanka.

Mooge: Inkastoo doodeenna iska tahay Fadhi-ku-dirir, Aniga waxaan 100% taageersanahay in Nidaamka Beelaha la isku dheelitiro oo halkii ay ka ahayd 4.5 in laga dhigo 5 Beel.

Olol:- Fikirkaaga ma xumo, laakiinse, Siyaasiyiinta Nidaamkaasi horey u dejiyey ma ku qanci karaan Qeybsigaasi, Walee Moogow waxaan ku dhihi lahaa Cashar ka baro Qeybintii Dawaco ee ay ku qancisay Libaaxa, oo ay ku tiri:- “Qeybiskan waxaan ka bartay Isha ka laalaado Waraabaha”.

Kulmiye: Lama joogo Xilligii Dagaalka, waxaa la gudagalay Nidaam Federal iyo Dimquraadi, waana in Talooyinka la wadaagaa, lamana oggolaanayo Fowdo iyo Carqaladayn kale, waa in la raaco halka ay Aqlabiyadda u badan tahay.

Sahal: Anigu way ila quman tahay in Nidaamka Deegaanka la qaato, laakiinse caqabadda taagan ayaa ah inay jiraan  Gobalo aysan weli ka jirin Nabad iyo Maamul, marka waxaan dhihi lahaa in lagu sii dhaqmo Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha oo lagu soo caano-maalay tan iyo Dowladdii KMG ee uu Madaxweyne ka ahaa Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.

=Dhamaad=

©Radio Dalsan                         

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor