Jubbaland oo soo dhaweysay Nidaamka Doorashadda iyo Puntland oo ka didsan.

Iyadoo ay Dowladda Federalka  Somalia shaacisay War-murtiyeedka Nidaamka Doorashadda ee sannadkan ayaa waxaa ka biyo diiday Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo fiidnimaddii xalay Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia.

MADAXWEYNE GAASMadaxweyne Gaas waxa uu tilmaamay inaysan oggolayn War-murtiyeeda Dowladda Federalka soo saartay ee loo gudbiyey, isla markaana ay Beesha Caalamka soo dhaweeyeen.

Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay inuu Talo kula laaban doono Reer Puntland, si ay go’aan uga gaaraan in Nidaamka Doorashadda lagu saleeyo Hab-qeybsiga Beelaha ee 4.5

Inkastoo Hab-qeybsiga Xubnaha Aqalka Sare ee Barlamaanka u qoondeeyeen Puntland iyo Somaliland min 3 xubnood oo dheeraad ah ayaa waxa uu Madaxweyne Gaas muujiyey inaysan u cuntamin War-murtiyeeda laga soo saaray Nidaamka Doorashadda ee sannadkan 2016-ka.

Sidoo kale, War Saxaafadeed ka soo baxay Guddoonka Sare ee Barlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay inay taageersan yihiin Go’aanka uu Madaxweyne Gaas ee uu ku diiday in Nidaamka Doorashadda lagu saleeyo Nidaamka 4.5

Dhinaca kale, Afhayeenka Dowlad-gobaleedka Jubbaland, C/naasir Seeraar ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhaweynayaan War-murtiyeedka ka soo baxay Dowladda Federalka ee ku aadan Nidaamka Doorashadda, taasi oo ay Beesha Caalamka taageerayaan.

SEERAAR3Afhayeenka oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Muqdisho ayaa sheegay inkastoo ay weli  jiraan dad aaminsan Nidaamka Deegaanka, haddana ay Dowladda Jubbaland ku qanacsan yihiin War-murtiyeedka Dowladda Federalka ee ku aadan Nidaamka Doorashadda sannadkan.

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor