Ciidamada Jubaland iyo kuwa Xoogga dalka ayaa xalay kula dagaalamay duleedka Kismaayo deegaan lagu magacaabo Lugloow oo qiyaastii 20 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo
Al-shabaab iyo Jubaland waxa halkaasi ku dhexmaray iska horimaad xooggan.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu qarxay kadib markii ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubaland iyo kuwa xoogga dalka oo ku sugnaa saldhig ku yaal deegaanka Lugloow ay weerar qorsheeysan ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo isku abaabulayay duleedka deegaankaasi.
Jubaland ayaa soo bandhigay meydadka 13 askari oo ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegeen in ay ku dileen weerarkii xalay iyo sidoo kale hub laga qabsaday kooxdaasi.
Axmed C/
Mascuud C/laahi
Kismayo