Joseph Nkaissery:- “ Xeradda Dhadhaab waxay gabaad u noqotay Alshabaab iyo Ganacsiga Kontorobaanka”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay inay Dowladiisa xiri doonto Xeradda Dhadhaab oo ah Xeradda Qaxootiga ee ugu weyn Caalamka.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalladda Nairobi, wuxuuna xusay inay Xerada Dhadhaab gabaad ka dhigtaan Alshabaab iyo in si qarsoodi ah hub loo soo geliyo, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab  3 weerar ka soo abaabuleen xeradda Dhadhaab oo Hoy u ah in ka badan 328,000 qof oo Qaxooti ah, kuwaasi oo badankooda Soomaali ah..

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery waxa uu Shirkiisa Jaraa’id ka sheegay inaan la xiri doonin Xeradda Kakuma oo ay ku nool yihiin 190,000 oo Qaxooti ah, kuwaasi oo badankooda ka soo jeeda dalka Koonfurta Sudan.

“Xeradda Kakuma lama xiri doono, waayo ma jiraan xilligan cabsi dhinaca ammaanka” ayuu yiri Wasiirkaasi.

Dhinaca kale, Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Karanja Kibicho ayaa maanta sheegay in dhamaan Qaxootiga Soomaalida dib loogu celin doono Somalia marka la gaaro bisha May ee sannadka soo socda ee 2017-ka.

Isagoo Tifaftirayaasha maanta kula hadlayey Hotel ku yaalla magaalladda Nairobi waxa uu tilmaamay in Dufcadda Koowaad ee Qaxootiga Soomaalida dib loogu celinayo dalkooda  bisha November ee sannadkan, iyo in daad-gureyntaasi la soo gebagebayn  doono bisha May ee sannadka soo socda.

“Xeradda Qaxootiga ee Kakuma ma saamayn doonto xirista Xeradda Dhadhaab, waayo Kakuma wax cabsi iyo dhibaato kama jiraan” ayuu yiri Mas’uulkaasi oo markii Labaad si kulul u eedeeyey Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xeradda Dhadhaab.

Waxa uu tilmaamay inay  Xerada Dhadhaab joogaan Unugyo Argagixiso, isla markaana ay ka jiraan Ganacsi Sharci-darro ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor