John Kerry oo Madaxda Kenya kala hadli doona Ammaanka Somalia iyo kan Gobalka.

Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya, Manoah Esipisu ayaa sheegay inuu John Kerry bisha soo socota Booqasho ku tegi doono magaalladda Nairobi, si uu Madaxda dalkaasi kala xaajoodo Ammaanka Gobalka, Xaaladaha Somalia iyo Koonfurta Sudan.

Afhayeenka waxa uu intasi ku daray inuu John Kerry wada xaajood la yeelan doono Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Amina Mohamed oo uu kala xaajoon doono Xiriirka Labada Waddan iyo Ammaanka Somalia.

Waa booqashadii Labaad ee uu John Kerry ku tago Nairobi tan iyo bishii May ee sannadkii hore, wuxuuna xilligaasi ku booriyey Madaxweynaha Kenya inaan la xirin Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab oo ah tan ugu ballaaran Xeryaha Qaxootiga ee ku yaalla Caalamka.

Waxa uu tilmaamay inaan Xeradda Dhadhaab la xiri Karin iyadoo ay Somalia ka jirto Deganaansho la’aan.

Dhinaca kale, John Kerry ayaa noqday Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee ugu horreeyey ee  booqasho ku yimaada Somalia sannadkii hore, , tan iyo markii maydadkii Askar Maraykan lagu jiidjiiday waddooyinka magaalladda Muqdisho muddo haatan laga joogo 23 sanno.

 ©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media