John Kerry iyo Madaxda Dowladda Federalka oo kulan uga socda Xeradda Xalane

Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry ayaa booqasho aan la soo shaacinin ku yimid magaalladda Muqdisho, si uu Madaxda Dowladda ugu muujiyo taageeradda la xiriirta dagaalka lagula jiro Alshabaab.

John Kerry waxaa safarkiisa kooban ee uu Muqdisho ku yimid ku wehlisa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, Linda Greenfield Thomas.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya inuu John Kerry kulamo la qadaan doono Madaxweynaha Dowladda Federalka, Md. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Saraakiil ka tirsan Taliska AMISOM, Madaxda Maamul-gobaleedyadda iyo Ururradda Bulshadda Rayidka.

Wafdiga John Kerry ayaa la sheegay inaysan soo dhaafi doonin Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde International Airport  iyo Xarunta Dhexe ee AMISOM ee Xerada Xalane, xilli aad loo adkeeyey ammanka guud ee Muqdisho

Waa Mas’uulkii ugu sareeyey oo ka socda Dowladda Maraykanka oo booqasho ku yimaada Somalia tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu Madaxweynihii hore ee Maraykanka, George Bush-ka weyn ku yimid Muqdisho bilowgii sannadihii 90-aadka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor