Jilaa ka tirsanayd Shirkadda Filimadda sameeysa ee Bollywood oo is-dishay

Aktarad lagu magacaabi jirey Shikha Joshi oo 40-jir ahayd ayaa la sheegay inay is-dishay bishan May 16-dii.

Aktaradaasi oo horey u ahaan jirtey Haweenka xayeysiiya Labiska ayaa waxaa laga dhex helay suuliga gurigeeda oo ku yaalla  Degmadda Versova ee  Waqooyiga dalka India.

Boliska ayaa sheegay inay Aktaradaasi toorey isaga dhufatay cunaha, taasi oo keentay inay  dhiig-bax u geeriyooto.

Nin ay saaxiibo ahaayeen oo lagu magacaabo Madhu Bharti  ayaa Boliska u sheegay inay muddo dheer ku jirtay Suuliga, balse, markii damnbe uu ka shakiyey xaalladda ay ku sugan tahay.

Waxa uu tilmaamay markii uu albaabka suuliga furay inuu arkay Aktarada oo ku dhex jirta waaskada lagu qubeysto oo uu dhiig badan buuxiyey.

Ma cadda sababaha ay isku disahy, laakiinse waxaa loo aaneynayaa iyadoo aan haynin shaqo badan, isla markaana ay qeyb kooban ka qaadato musalsalooyinka laga baahiyo Telefishinka.shikha joshi 1 shikha joshi 4 Shikha Joshi

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor