Jihadiste British oo ka tirsanaa Dagaalamayaasha Alshabaab oo la dilay

Muwaadin u dhashay dalka Britain oo lagu magacaabo Thomas Evans loona yaqaano C/xamiid ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa 11-kii dagaalyahan ee Alshabaab shalay kaga geeriyootay dagaalkii ay Ciiddanka Kenya kula galeen duleedka Xeradda Milliteriga Kenya ee Baure oo ku taalla  Deegaanka Baragooni.

Qaar ka mid ah Warbaahinta dalalka Britain iyo Kenya ayaa qoray in Thomas Evans uu soo islaamiyey markii uu 19-jirka ahaa, wuxuuna la baxay Cabdul Xamiid.

Sannadkii 2012-kii ayuu ku soo biiray Dagaalamayaasha Alshabaab, wuxuuna ka mid ahaa Dagaalamayaasha Shisheeyaha ee loogu yeero Muhaajiriinta ee ka tirsan Alshabaab.

Warkan ku saabsan inuu Nin u dhashay dalka Britain oo ka tirsan Alshabaab la dilay ayaa soo baxay, wax yar kadib, markii uu Taliyaha Guud ee Boliska Kenya,Joseph Boinett sheegay in dagaalkii shalay lagu dilay 11-Dagaalyahan oo labo ka mid ahaayeen Ajaaniib caddaan ah.

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor