Jihadistayaal British oo ka soo muuqday Video-ga ay Alshabaab soo saareen

Muuqaalka Video-ga ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab dhawaan baahiyeen ayaa waxaa ka muuqday dhowr Jihadistayaal British, kuwaasi oo aan Wejigooda la arki Karin, walow la dareemayo inay ku hadlayeen Luqadda Englishka u gaarka ah dalka Britain.

Muuqaalka Video-ga oo loogu magac-daray Ka timid  jiidaha hore ee 3-aad “From the Frontlines  3” ayaa waxay Jihadistayaasha Britishka iyo qaar kale oo ka yimid dalalka Reer Galbeedka ku dhiiri-gelinayaan Dagaalyahannadda Shisheeyaha inay ka soo haajiraan dalalkooda hooyo, kuna soo biiraan Dagaalka Jihaadka.

Mid ka mid ah Jihadistayaasha ayaa ku dhiiri-geliyey Walaalaha Muslimiinta ee ku sugan dhulka Kufaarta inay u soo haajiraan dalalka Islaamka, kana qeyb galaan Jihaadka, waa sida uu hadalka u yiri.

Wuxuuna intaasi ku daray in Dalxiiska Ummadda Islaamka yahay Jihaadka.
Dagaalamayaasha ayaa waxa la qarinayey Wejiyadooda, taasi oo calaamad u ah inaysan Alshabaab doonaynin inay Sirdoonka Reer Galbeedka si fudud ku bar-aqoonsadaan Jihaadistayaasha Shisheeyaha ee ka barbar dagaalamayo Ciiddanka Alshabaab.

Video-gan ayaa soo baxay, iyadoo ay Warbaahinta dalka Britain sheegeen inuu Hoggaamiyihii Ururka Alqaacida, Usaama Bin Laadin uu amar ku siiyey Jihadistayaal British ku biiray Alshabaab oo loo yaqaano “London Boys” inay mowjaddo weeraro ah ka fuliyaan gudaha da;la Britain.

Ciiddanka Ammanka Britain waxay qabteen Nin la tuhunsan yahay inuu weerar ka geysan lahaa Ciyaarihii Olombikadda ee Xilligii Jiilaalka ee sannadkii 2012-kii, iyadoo ninkaasi la soo weriyey inuu ka soo barbar dagaalamay Xarakadda Alshabaab.

Sannadkii 2013-kii, Ciiddanka Amniyaadka ee Alshabaab waxay dhegta dhiigga u dareen Jihaadiste Maraykan oo la oran jirey Cumar Xammaami iyo Muwaadin Britain loo yaqiinay Osman Al-biritaaniya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor