Jeneral Maraykan oo sheegay inay Alshabaab khatar ku yihiin Milliterigooda jooga Geeska Afrika.

Taliyaha Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Geeska Afrika, Jeneral Mark Stammer ayaa sheegay in Ciiddankooda ku sugan Xeradda Lemonnier ee dalka Jabuuti ka qabaan feejifnaan dheeraad ah Kooxaha Islaamiyiinta ee ku sugan dalalka Somalia iyo Yemen.

Taliyaha oo madax u ah Ku-dhawaad 4,000 oo Askar Maraykan ku sugan Jabuuti, ayaa tilmaamay in Cabsidooda ugu weyn ka imaanayso Xarakadda Alshabaab ee Somalia.

“Inkastoo awoodda Alshabaab la wiiqay, waxay weli qorsheynayaan sidii ay waxyeello noo gaarsiin lahaayeen” ayuu yiri Jeneral Mark Stammer.

Waxa uu intaasi ku daray inuusan rumeysnayn inay Alshabaab awood u leeyihiin inay Dagaalka Jihaadka sii wadaan muddo dheer, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Jeneral Mark Stammer waxa uu sheegay inuu Taliskiisa ka kala shaqeynayo Ciiddanka AMISOM sidii ay uga guuleysan lahaayeen Dagaalamayaasha Alshabaab.

Waxa kaloo sheegay in Ciiddanka Maraykanka ee Saldhigga ku leh Jabuuti ay waqti badan ku bixiyeen Ciiddanka AMISOM ka hor intaysan Somalia ka hawlgelin iyo wixii ka dambeeyey.

© Radio Dalsan   

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor