Jeneral Gabre oo bartiisa Twitter-ka ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal Kooban oo uu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Jeneral Gabre Heard waxa uu ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo xushmad la’aan uu u hayo Ciiddanka Ethiopianka ee ku sugan gudaha Somalia.

Jeneral Gabre oo ka mid ah Saraakiisah Ciiddanka Ethiopian-ka ee ku sugan magaalladda Baydhabo ayaa Eedeyntiisa sabab uga dhigay inuu Madaxweynaha DFS wax xushmad ah u muujinin Ciiddanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Ethiopia markii uu Axaddii hore booqashadda ku teegay magaalladda Baydhabo.

“Madaxweynaha Somalia waxa uu xushmad-darro ku sameeyey Ciiddanka AMISOM, gaar ahaan Askarta Ethiopia, markii uu booqday Baydhabo” ayuu Jeneral Gabre ku qoray Bartiisa Twitterka.

president disrespectful at amisom force ethiopia in baydhabo visiting

Madaxweyne Farmaajo markii uu tegay Baydhabo waxa uu Jeneral Gabre filayey inuu la kulmi doono Madaxweynaha, balse, Madaxweynaha ayaa ku mshquulay Codsigaasi, taasi oo uu General Gabre ka carooday.

Xiriirka Madaxweyne Farmaajo iyo Dowladda Ethiopia ayaan hagaagsanayn, mana kala cadda sbabaha dhabta ee keenay Calawsanaanta Xiriirka Labada Waddan.

Photo published for Ethiopian General ‘dumbstruck’ and ‘angry’ after Farmaajo’s victory

Doorashaddii Madaxtinimadda ee uu ku soo baxay Madaxweyne Farmaajo waxa la arkayey iyadoo Jeneral Gabre wejigiisa laga dareemayey inuusan ku faraxsanayn Natiijadda Doorashadaasi, wuxuuna ka baxay Hoolka Doorashadda, ka hor inta aan lagu dhawaaqin Natiijadda Doorashadaasi.

Jeneral Gabre oo ah U Qeybsanaha Khaaska ee Dowladda Ethiopia ee Arrimaha Somalia waxa uu gaaangal xooggan ku dhex lahaa Dowladihii hore u soo maray dalkeenna, isgoo ka qeyb geli jirey Shirarka looga hadli jirey Ammanka Somalia.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media