Jeneral Gabre: “Farmaajo ma waxa uu ilaabay inaan ku arkay Kulankii uu la yeeshay PM Meles Zanawi ? ”.

Jeneralka Ethiopianka ee galaangalka badan ku leh Arrimaha Somalia, Jeneral Gabre Heard ayaa mar kale dagaal dhinaca Twitterka ku qaaday Madaxweyne Farmaajo oo isbuucii hore ka gaabsaday inuu Jeneral Gabre kula kulmo magaalladda Baydhabo.

Jeneral Gabre waxa uu Bartiisa Twitterka ee @WeiAlfaGabree soo dhigay Qoraal Sawir watay, wuxuuna ku yiri:

 

 Gen Gabre Official Did farmajo forget our late pm Meles Zanawi saw to him that meeting?? When meles called me? 

@WeiAlfaGabree

Gen Gabre Official“Farmaajo ma waxa uu hilmaamay inaan ku arkay Kulankii uu la qaatay Ra’isul-wasaaraheenna geeriyooday ee Meles Zanawi ?? Goormee ayuu Meles ii yeeray”.

@WeiAlfaGabree

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda halka uu ku dambeyn doono Colaadda Dipolomaasiyadeed ee uu Jeneral Gabre dabkeeda hurinayo ? Mana muuqato dadaal lagu xalinayo Khilaafka soo shaac baxay ee u dhexeeya Labada Dowladood.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Munaasabadiisa Caleema-saarka ee bishii  Fwbruary 11-dii ee sannadkan    kula kulmay Ra’isul-wasaaraha Dowladda Federalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn Boshe oo sheegay inay si dhow ula shaqeyn doonaan Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

 

 

©Radio Dalsan