Jawaari oo khudbad ka jeedin doona Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

Maantaoo Khamiis ah ayaa la filayaa in Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho uu ka furmo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya,kiadb mudo bil ka badan oo uu khilaafka dhexjiray guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah hadaljeedinta guddoomiyihii is casilay ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,isaga oo halkaasi ka jeedin doona khudbad uu ku cadeynayo is casilaadiisa iyo sidoo kale arrimo kale.

Kulanka Baarlamaanka ee hadal jeedinta guddoomiye Jawaari ayaa la filayay in uu dhaco khamiistii shalay balse uu u baaqday kadib khilaaf ka jiray cida kulankaas shir guddoomin doonta,waxase soo kala dhex galay masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada,iyada oo ugu dambeyn xal lag gaaray.

Khubada Jawaari uu Maanta ka jeedin doono Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah mid la wada sugayo,waxana dad badan oo Soomaaliyeed ay maalmahaan hadal hayeen isjiid jiid badan kadib sida fudud ee uu isku casilay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media