Janeral Gabre oo laga eryay Xafiiskii Urur Goboleedka IGAD

Hadal qoraal oo ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Urur-gobaleedka IGAD ee Addis Abeba ayaa lagu sheegay inuusan Kolonel Gebregziabher Alemseged Abraha uusan ka mid ahayh Shaqaalaha Ururka IGAD.

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inuusan Kolonel Gabre uusan fasax u haysanin inuu Wakiil ahaan u matali karo IGAD ama uusan Wakiil ahaan magaca Urur-gobaledka kula wareegi Karin Gnaacsi kasta.

Qoraal ka soo baxay Urur-gobaleedka IGAD  oo ahaa  Ogeysiin ku socota dhamaan dadweynaha ayaa lagu muujiyey inuusan Kolonel Gabre ka mid ahayn Shaqaalaha Urur-gobaleedka IGAD.

Ugu dambeyn, IGAD waxay xustay in casuumaad kasta oo isaga loo fidiyo inaan la xushmeyn doonin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor