Janaasadda Safiirkii hore ee Somalia u joogay Masar oo lagu tukaday Masjid ku yaalla Qaahira + SAWIRRO

Iyadoo lagu wado in maydka Danjirihii Somalia u joogay dalka Masar maanta la keeno magaalladda Muqdisho, si loogu aaso, ayaa waxa Janaasada Marxuumka shalay lagula tukaday  Masjidka Cumar Makram oo ku yaalla agagaarka xarunta Jaamacadda Carabta ee Fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira.

Waxaa Janaasada ka soo qeyb galay madaxda wadanka Masar, danjireyaal iyo diblomaasyiin carbeed iyo kuwo Afrikaan ah. Waxaa dadkii ka soo qeyb galay ka dhex muuqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan, Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir ahna Wasiirkii hore ee  caddaalada, Safiirada Wadamada Djibouti, Ethiopia, Saudi Arabia, madax kale iyo dhamaan qeybaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud ayaa wuxuu ka mid ahaa danjireyaasha loogu ixtiraami ogyahay wadanka Masar; isagoo hormuud u ahaa Safiirada Carabta iyo kuwa wadamada Afrika. Marxuumka waxa uu hawlaha diblomaasiyadda ku soo biiray markii ugu horeysay sanadkii 1987-ka xilligaas oo loo magacaabay Safiirkii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee wadanka Algeria.

Sanadkii 1990, waxaa loo badalay, loona magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Ergeyga Joogtada ee dalkeena uga wakiilka ah Ururka Jaamacadda Carabta, xilkaasi oo uu hayay tan iyo markii uu geeriyooday.

Allah u naxariisto , Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud , waxa uu ku matalayay kulamada kala duwan ee Jaamacadda Carabta Magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed muddo dhan 25 sano , isagoo shirgudoomiyay fadhigii heerka Wasiir Arrimo Dibadeed ee Jaamacadda Carabta , wareegiisii 123,aad ee qabsoomay March , sanadkii 2000.

Sanadkii 1996-dii waxa uu ku fariistay Kursiga Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira , isagoo matalayay Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya .

Mudadii qaran burburka dalka uu ka jiray , Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ka qeyb galay shirarkii dib u heshiisiinta ee kooxihii Siyaasadda Soomaaliya ku loolamayay loogu kala qabtay Magaalooyinka Qaahira , Addis Ababa iyo Carta , xubinnimo Baarlamaan oo loogu doortay Shirkii Carta- Djibouti sanadkii 2000 ayuu ka tanaasulay .

Danjire Cabdullahi Xassan Maxamud oo si weyn ay u yaqaanaan diblomaasiyiinta ,siyaasiyiinta carbeed iyo kuwa Afrika ayaa ka hor inta aanu ku soo biirin howlaha diblomaasiyadda , waxa uu ahaa sanadkii 1970 –kii Macallin wax ka dhiga dugsiyada sare ee dalka , iyadoo isla sanadkii 1972 –kii uu sidoo kale Macalin ka noqday Jaamacaddii Ummadda , isla sanadkaasi waxaa sidoo kale loo dalacsiiyay in uu maamule ka noqdo dugsigii Jamaal Cabdinaasir oo ahaa xilligaasi xarumaha waxbarasho ee ugu tayada wanaagsanaa dalka .

Sanadkii 1974- 1976 kii waxaa uu ahaa Iskuduwaha Waxbarasho ee gobolada Mudug, Banaadir iyo Xoghayaha guud ee goobaha waxbarasho ee guud ahaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sanadkii 1981 – kii waxaa loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Arrimaha Jabhadaha .

Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ka qaatay Darajada Licentiate ee Luqadda Carabiga iyo Culuumta Islaamka, Kulliyadda Dar Al-ulum ee Jaamacadda Qaahira sanadkii 1969-kii.

Allaha U Naxariistee, Marxuum Danjire Abdullahi Hassan Mohamoud waxa uu ku dhashay Degaanka Iimeey ee dhulka Soomaalida Ethiopia, wuxuuna Hawlaha Diplomaasiyadda ku soo jiray muddo 28-sanno ah.

Sannadkii 1987-kii waxaa loo magacaabay Danjirihii Somali u joogay dalka Algeria, iyadoo Sannadkii 1996-kii loo magacaabay Danjiraha Somalia ugu wakiilka ah dalka Masar iyo Wakiilka Joogtadda ee Somalia u joogay Ururka Jamaacadda Carabta.

Xilligii Qaran-burburka waxa uu u dhabar adeegay Xilkii Safiirnimo ee uu hayey, wuxuuna iibsaday Baaskiil si uu ugu guto Hawlaha Qaranka, waxayna Diplomaasiyiinta joogtay Qaahira ugu yeeri jireen Danjiraha Baskiilka.

Allaha U Naxariisto Danjiruhu waxa uu ifka kaga tegay labo xaas iyo 8 carruur.

aas 1 aas 10 aas 1111111 aas 2 aas 3 aas 4 aas 5 aas 6 aas 7 aas 8 aas 9 aas00000

© Radio Dalsan                     

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor