Jacaylka Madaxda ma sahlana. Maxaad kala socotaa Jacaylka Madaxweyne Putin iyo saaxiibtiisa Alina Kabayeva ?

Wargeyska The Express ee ka soo baxa dalka Britain ayaa sheegay jacaylka Madaxweynaha Raashiya iyo Saaxiibtiisa caanka ku ahayd Jinistikada ama Qalaama-rogadka inuu gaaray meel aan qarsoomi karin.

Jacaylka Madaxweyne Putin ayaa dadka ka dhigay arrin ay la fajacaan , iyadoo ay warbixino cusub sheegayaan inay Saaxiibtiisa Alina Kabayeva si qarsoodi ah uur ugu qaaday Madaxweyne Putin.

Alina Kabayeva oo 32-jir ah oo aan waayaddan la arki jirin ayaa waxaa habeen dhaweyd lagu arkay Munaasabad loogu dabaaldegayey sannad-guuradii 70-aad markii uu dhamaaday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Warbaahinta Raashiya ayaa sheegtay in Alina Kabayeva u muuqato qof cuslaatay oo waayeel sii noqonayso, waxayna arrintaasi sabab uga dhigeen inay noqotay hooyo ama ay uur leedahay.

Dadkii ku arkay xafladda ayaa sheegay inay soo xiratay labis ka weyn oo ay malaha ku qarinaysay caloosheeda.

Bishii Feberaayo ee la soo dhaafay, waxa aan Madaxweyne Putin lagu arkin fagaaraha muddo 11-maalmood, waxaana la hadal-hayaa inay isaga iyo saaxiibtiisa Alina Kabayeva u safreen dalka Switzerland.

Waxaa kaloo la tuhunsan yahay inay Alina Kabayeva halkaasi ku dhashay gadbho mataano ah.

Madaxweyne Putin ama saaxiibtiisa, midna ma xaqiijinin ama beeninin wararkaasi.

Madaxweyne Putin oo 62 jir ah ayaa la sheegay inuu jacayl xad-dhaaf ah u qaaday Alina Kabayeva oo 30-jir ah, waxaana dhowr bilood ka hor isagoo far-gashiga nikaaxa (wedding ring) xirtay, xilli uu qaabilayey Wasiirka Difaaca ee dalka Masar.

Aqalka Keremiliinka oo looga taliyo dalka Raashiya waxay far-gashigaasi sheegeen inuu ahaa kii uu xirtay markii uu guursaday xaaskiisa oo lagu magacaabo Lyudmila.

Madaxweyne Putin ayaa la sheegaa inuu jeclaaday Alina Kabayeva muddo laga joogo 7 sanno, isagoo laga soo xigtay inuu ku yiri inuu guursan doono muddo bilo ah kadib, marka uu furo xaaskiisa, Lyudmila oo u dhashay labo gabdhood oo lagu kala magacaabo Maria oo 30-jir ah iyo Katerina oo 29-jir ah.

Si kastaba ha ahaatee, Alina Kabayeva waxay Ciyaaraha Qalaamo-rogadka bilowday iyadoo 120jir ah.

Billad maar ah ayey ka heshay Tartankii Olombikada ee lagu qabtay caasimadda dalka Australia ee Sydney.

Billad kale oo Dahab ayey ka  heshay Ciyaarihii Olombikadda ee sannadkii 2004-tii lagu qabtay caasimadda dalka Giriiga ee Athenis.

. Alina Kabayeva waxaa lagu tilmaamay inay ka mid tahay Haweenka ugu quruxda badan dalka Raashiya.

Markii ay Ciyaaraha ka fariisatay waxay Xildhibaan ka noqotay Xidbiga uu Madaxweyne Putin hoggaamiyo ee lagu magacaabo Umited Russia Party.

 

Xigasho:- www.express.co.uk

PUTIN 1 PUTIN 2 PUTIN 3 PUTIN 4 PUTIN5

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor