Jabuuti: “Saldhigga waxay Shiinaha u adeegsan doonaan La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia”.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jabuuti, Mohamoud Ali Yusuf ayaa sheegay in is-faham buuxa laga gaaray Wada-xaajoodkii ay Madaxda dalka Shiinaha kaha hadlayeen sidii ay Dowladda shiinaha saldhig baddeed ugu yeelan lahayd Jabuuti.

dj fm 1Wasiirka oo Wakaalladda Wararka Faraniiska ee AFP kula hadlay magaalladda Johanesburg ee dalka Koonfurta Afrika, waxa uu sheegay in haatan lagu guda-jiro Dhismaha Dekedda Cusub ee ay Milliteriga Shiinaha ka dhigan doonaan Saldhigga, wuxuuna xusay inay Milliteriga Shiinaha ka hawlgeli doonaan Saldhigaasi dabayaaqadda sannadka 2017-ka.

Wasiirka waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Shiinaha u adeegsan doonaan Saldhigga Jabuuti sidii ay kula dagaalami lahaayeen Burcad-baddeeda Soomaalida, loo sugi lahaa Ammaanka Gacan-biyoodka Baabal-mandabka Badda Cas iyo inay gelbiyaan Maraakiibta Shiinaha ee isticmaalayo Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Bishii May ee sannadkan ayuu Madaxweynaha Jabuuti, Ismail Omar Guled waxa uu u sheegay AFP inay wada-xaajood la leeyihiin Shiinaha ee lagu siinayo Saldhig Milliteri.

Dhinaca kale, Dalka Jabuuti waxaa Saldhigyo Ciiddanka Badda ku leh Milliteriga dalalka Maraykanka iyo Faransiiska, waxayna Jabuuti ku taalla Deegaan Istaraatijiyad ballaaran u leh Isku-socodka Gaadiidka Badda ee Caalamka.

© Radio Dalsan                       

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor