Jabriil Ibrahim Cabdulle oo ka jawaabay wararka la isla dhex marayo ee Musharaxnimadiisa.

Dhowrkii  maalmood ee la soo dhaafay, waxaa jiray warar xan ah oo si xooggan ugu  dhex wareegaysay Soomaalida iyo Warbaahinta Afrika oo ku aadan inuu Jabriil Ibrahim Cabdulle oo ah Dhaqdhaqaaqyahan iyo Nabad-u-ololeeye ka tirsan Ururradda Bulshadda Rayidka Soomaaliyeed in laga yaabo inuu ka qeyb geli doono Ololaha Doorashadda Madaxtinimadda ee soo socota.

Soomaali badan iyo  kuwa Soomaaliya ilaaleeya ama daawada waxay Jabril u arkaan Hoggaamiye dhallinyaro ah oo taageero balalaran ku dhex leh Soomaalida  haddii ay suurtogal tahay inuu noqdo Musharax u taagan Doorashadda sannadka 2016-ka.

Sida laga soo xigtay saaaxiibadda ku dhow, Jabril waxa uu farriimo Telefoon ka helayey Saaxiibadiisa, Xildhibaano, Qurbo-joogta Soomaalida, Kooxaha Ganacsiga, gaar ahaan Kooxaha Bulshadda Rayidka oo doonaya inuu oggolaado inay isaga ugu ololeeyaan Doorashada,

Isagoo ka hadlayey Muqdisho, waxa uu Jabril yiri:- “Sida dhamaan Soomaalida,  Waxaan Aniga ahay qof  danaynaya in ay Natiijo fiican ka soo baxaan Doorashadda soo socota. Soomaaliya waxay maraysaa  Isgoysyo khatar leh oo leh fursad yar ee dhinaca lagu gaarayo Deganaanshaha iyo Barwaaqada. Guushana qaadan doona Hoggaan Tabar iyo Xirfad ku dhex leh gudaha iyo Dibedda, isla markaana ay dadka Soomaliyeed u baahan yihiin”.

Mar lagu celceliyey suurtogalnimadda Musharaxnimadiisa waxa uu ku sii daray: “Anigu haatan waxaan diiradda saarayaa shaqadayda haatan, balse waxaan si cad u danaynayaa inaan aragno iyadoo la doortay Hoggaamiyayaal Xirfad leh, oo aan ugu dambayn si wadajir ah horey ugu wada dhaqaaqno”.

 ©Radio Dalsan