Jaamacadda Garissa oo ay Alshabaab horey u weerareen oo dib loo furayo.

Hormuudka Jaamacadda Garissa ee W/bari Kenya,  Prof. Ahmed Warfa ayaa sheegay in Jamaacadda dib loo furi doono bisha soo socoto ee September, isagoo xusay in la maalgelinayo Ciiddan xooggan oo ilaaliya Jaamacadda.

Waxa uu sheegay in la damaanad qaadi doono ammaanka Ardayda iyo Shaqaalaha aamacadda, wuxuuna sheegay in gaadiid ilaalo ah la diyaariyey oo lagu sugayo ammaanka.

Munaasabad looga tashanayey Furitaanka Jaamacadda Garissa ayaa lagu qabtay gudaha Jaamacaddaasi oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

Bishii April 2-dii ee sannadkan, Dagaalamayaal ka tirsan Xarakadda  Alshabaab ayaa waxay  weerar qorsheysan ku qaadeen Jamaacadda Garissa, waxaana weerarkaasi lagu dilay 148 qof oo 142 ka mid Arday ahaayeen.

Ardaydii dhigan jirtey Jaamacadda Garissa waxaa weerarkaasi kadib loo wareejiyey Jaamacadda Moi University ee ku taalla Degmadda Eldoret.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor