Jaamacadda Carabta oo ku baaqday in Somalia laga qaado xayiraadda Hubka, lagana cafiyo Deymihii lagu lahaa.

Shirkii 145-aad ee Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka ku jira Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu taagay Guusha laga gaaray Xaqiijinta Dib-u-heshiisiinta, Dib-u-dhiska iyo Sugidda Deganaanshaha Somalia.

War Murtiyeed laga soo saaray Kulankaasi oo shalay lagu soo gebagebeeyey Xarunta Dhexe ee Jaamacadda Carabta ee magaalladda Qaahira waxaa Madaxda dalalka Carabta loogu baaqay inay taageeraan Soomaalida Federalka, Hawlgalka AMISOM iyo sidii loo qalabayn lahaa Milliteriga Somalia.

Bayaanka waxaa lagu soo dhaweeyey Doorka Dowladda Jabuuti ka qaadato Hoggaaminta Hawlgalka AMISOM iyo Tallaabooyinka ay Dowladda Federalka ee xukunnadda lagu rido Shaqsiyaadka geysta falalka Argagixisadda, waa sida lagu xusay Bayaanka .

Sidoo kale, Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka ku jira Ururka Jaamacadda Carabta waxay ku baaqeen in Gargaar Degdeg ah la siiyo Somalia, lagana cafiyo Deymihii lagu lahaa.

Dowladaha Sacuudiga iyo Algeria ayaana ku dhawaaqay inay Somalia ka cafiyeen Daymihii Lacageed ee ay horey u amaahiyeen.

Ururka Jamaacadda Carabta waxay ugu baaqeen Golaha Ammaanka ee QM in cunaqabataynta Hubka laga qaado Somalia, si ay Ciiddanka Dowladda Federalka awood ugu heli lahaayeen inay ku guuleystaan La-dagaalanka Alshabaab.

Dhinaca kale, War-murtiyeedka ka soo baxay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka ku jira Ururka Jaamacadda Carabta waxaa lagu sheegay inay Jaamacadda Carabta qabanqaabinayo Shirweyne looga hadlayo Maalgashiga Somalia sannadka soo socda ee 2017-ka.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor