Jaamacadda Carabta oo Ku Baaqday in La Taageero Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti

Xoghayaha Guud Ee Ururka Jaamacadda Carabta Nabiil Al Carabi ayaa ku baaqay in si deg deg ah dhinaca Bini’aadanimada looga caawiyo Wadamadda Soomaaliya iyo Jabuuti oo ay ku sugan yihiin Qaxooti badan oo ka soo cararay Dalka Yemen.

Nabiil Al Carabi ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu shalay la kulmay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar ahna Wakiil Joogtada ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta Cabdullahi Xasan Maxamuud.

Kulankasi kadib War Saxafadeed uu soo saaray Nabiil Al Carabi ayaa lagu sheegay in Jaamacadda Carabta ay diyaar u tahay iney qaado talaabo kasta oo lagu taageerayo Xaaladda Dhinaca Bini’aadanimadda Ee imminka ka jirta Dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor