Jaamacadda Carabta oo ku baaqay in Dowladda Somalia laga taageero Ammaanka iyo qalabaynta Ciiddanka

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Dr. Nabiil Alcarabi ayaa sheegay inay cambaareynayaan weerarkii  Alshabaab dhawaan ku qaadeen Xarunta Tababarka Ciiddanka Nabadsugida ee magaalladda Muqdisho iyo dilkii Khasnajigii Khaaska ee Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Somalia.

Dr. Nabiil Alcarabi oo shalay Bayaan ka soo saaray Xarunta Dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta oo ku taalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira, waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka inay  Dowladda Federalka Somalia taageero ka siiyaan dadaalka ay ugu jirto Dib-u-dhiska iyo xoojinta Hay’addaha Ammaanka iyo kuwa Milliteriga.

Waxa kaloo uu ku baaqay in Dowladda Somalia laga taageero awoodda ay kula dagaalamayaan Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

© Warqabadka Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor