Jaamacad ku taalla dalka Masar oo Deeq W/barasho siinaysa Arday Soomaaliyeed

Cadadkii maanta ee Wargeyaka Al-Dastuur ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray in 6 Arday Soomaali Deeq Waxbarasho laga siinayo Jaamacadda BANHA ee dalkaasi.

Hormuudka Jaamacadda Banha University, Dr. Yuusuf Al-qaadi ayaa sheegay inay Jaamacadiisa go’aansatay inay 5 Arday oo ka socota Jaamacadda Dowladda Somalia inay siiyaan Deeq Waxbarasho (MINXO) ee Marxalladda Daraasadda Sare ( The Postgraduate stage).

War-saxaafadeed uu Hormuudka Jaamacadda Banha University, Dr. Yuusuf Al-qaadi oo shalay soo saaray ayuu ku  sheegay in Go’aanka Jaamacadiisa lagu saleeyey Jadwalka shaqo ee  Xiriirka Taariikhiga ee u dhexeeya Somalia iyo Masar iyo  Xushmadda ay Jaamacadda Banha University u hayso Shacabka Soomaaliyeed oo marar badan is-garab taagtay goobo badan oo Taariikhi ah.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media