Jaalliyadda Soomaalida ku nool Britain oo qabanqaabiysa Shirweynaha La-dagaaalanka Xag-jirnimadda

Soomaalida ku nool magaalladda Brisol ee dalka Britain ayaa waxay isbuuca dambe qaban doonaan Shirweyne looga hadlayo Khatarta Xag-jirnimadda, xilli ay sii kordhayaan Dhallinyaradda Somali-Britishka ee ku biirayo Kooxda Daacish.

Boqolaal qof ayaa la rajeynayaan inay isugu yimaadaan Xarunta Trinity ee magaalladda Bristol oo uu ka furmayo Shirkaasi, waxayna Ka-qeybgalayaasha kaga arrinsan doonaan sida looga hortegi karo Kooxaha Xag-jirayaasha ee sida Online-ka ugu barbaariya dhallinyarradda Xag-jirnimadda.

Waalidiinta iyo xubnaha Bulshadda Soomaalida ku nool magaalladda Bristol ayaa waxaa ku sii kordhayo walaaca ay ka qabaan Dhallinyarradda la Xag-jirsiinayo, isla markaana laga cabsi qabo inay ku biiraan Jihaadistayaasha Daacish.

Waalidiinta Soomaalida ee ku sugan magaalladda Bristol ee dalka Britain ayaa waxa uu walaacu ku kordhay tan iyo markii la waayey gabar lagu magacaabo Yura Hussien, taasi oo ku fekertay inay u dhoofto dalka Syria, si ay ugu biirto Dagaalamayaasha Daacish.

Tobaneeyo Somali British ayaa la rumeysan yahay inay ku biireen Kooxda Daacish, kuwaasi oo inta badan Farriimo Hanjabaad ah soo dhigay Baraha ay ku xiriiraan Bulshadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor