Waxaa deegaannada Puntland ku soo qulqulaya tahriibayaal badan oo ka imaanaya dhinaca Itoobiya, safarkooduna ku beegsanaya magaalo xeebeedka Boosaaso oo ay si dhuumaaleysi ah uga tahriibaan.
Safarka muhaajiriinta ayaa ku soo beegmaya xili ay cimilada magaalada Boosaaso aad u ku lushahay, safarka badduna uu adag yahay maadaama lagu guda jiro bilihii bad xiranka.
Tiradii ugu badneyd ee tahriibayaasha ayaa maanta waxay lug ku mareen waddada dheer ee laamiga ah ee dhex marta degmada Carmo oo 100 Km u jirta magaalada Boosaaso.
Agaasimaha hay’adda daryeelka mujaahiriinta Puntland Maxamuud Sheekh Ciid ayaa VOA u sheegay in mudo Laba bilood ka yar ay Puntland soo gaareen dad ka badan toddoba kun oo qof.