Itoobiya oo taageera dhinac walbo ah siineysa Maamulka Soomaaliland

Wasiirka Arrimaha DibeddA ee dalka Ethiopia, Workneh Gebeyehu waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu shalay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo”  kula kulmay magaalladda Addis Abeba.

Wasiirku  si cad u sheegay inay Dowladda Ethiopia danaynayso inay Doorashadda Madaxtinimadda Somaliland ka dhici doonta bishan 13-da noqoto Dooraho ku dhacda si xor ah oo Caddaalad leh.

Wasiirka Arrimaha DibeddA ee dalka Ethiopia, Workneh Gebeyehu waxa kale oo uu tilmaamay inay Dowladiisa taageero ka geysanayso Dhaqaalaha iyo horumarinta Dimuqraadiyadda Somaliland

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo”  oo ka hadlay Kulankaasi ayaa ka mahad celiyey Taageeradda hagar la’aanta ee ay Dowladda Ethiopia la garab taagan yihiin Shacabka iyo Maamulka Somaliland.

Dhinaca kale, Madaxweyne Silaanyo oo Waaberigii hore ee shalay booqasho aan la sii shaacinin ku tegay magaalladda Addis Abeba, waxa u qorsheysan inuu Kulan la yeesho Ra’isul-wasaaraha Ethiopia,Hailemariam Desalegn Boshe.,

Ethiopia iyo Maamulka Somalilland waxay sannadkii hore kala saxiixdeen Heshiis lagu kordhinayo Ganacsiga Ethiopia ee Dekedda Berbera, waxayna Labada dhinac leeyihiin Xiriir Diplomaasiyadeed.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Somaliland oo sannadkii 1991-kii sheegtay inay ka go’een Jamhuuriyadda Somalia, ayaan weli wax helin Ictiraaf Calaami oo lagu aqoonsanayo Gooni-isku-taagooda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media