Itoobiya oo sheegtay inay si buuxda ula wareegtay deegaanada Amxaarada iyo Canfarta

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaddey dhammaan dhulkii ay fallaagada TPLF qabsadeen iney kala wareegeen, kuwaasoo ku yaalla deegaannada Amxaarada iyo Cafarta.

Xafiiska adeegga Isgaarsiinta dowladda, ayaa sheegay mar haddii deegaannadii ay TPLF haysteen laga xoreeyey, tallaabada xigta ay noqoneyso dadkii ay dagaalladu barakaciyeen sidii ay deegannadooda dib ugu noqon lahaayeen.

Waxay dowladda Itooibya ku eedeysay TPLF bilooyinkii ay deegaannadaasi gacanta ku hayeen iney gabood fallo isugu jira dil iyo kufsi ka geysteen, taasoo loo saarey guddi gabood fallaadaasi soo baara.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor