Itoobiya oo Dooneysa In Ciidamada AMISOM Sii Joogaan Somalia

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya Meles Alem, ayaa sheegay in Itoobiya ay dooneyso in howlgalka nabad ilaalinta caalamiga ee midowga Afrika uu sii joogo Somalia.

Afhayeenka oo wariyayaasha la hadlay ayaa waxa uu sheegay in howlgalka loo baahanyahay inuu sii joogo Somalia ilaa laga wiiqayo awoodda Al-Shabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa la keenay Somalia sanadkii 2007-dii si ay uga hortagaan qatarta Al-Shabaab.

Midowga ayaa ku dhawaaqayay qorshe lagu dhimayo ciidamada AMISOM  taasoo ugu dambeyn keeneysa in ciidamada AMISOM ay guud ahaan isaga baxaan dalka mas’uuliyadda amnigana ay ku wareejiyaan ciidamada Somalia.

Meles Alem, ayaa sheegay in loo baahanyahay in Al-Shabaab cagta la mariyo aadna loo wiiqo, ciidamada AMISOM ay sii joogaan Somalia ilaa Al-Shabaab laga dhigayo kuwo aan qatar badan lahayn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media