Itoobiya, Masar iyo Suudaan oo mar kale ka wada hadlaya arrinta Webiga Niil

Magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan waxaa Maanta ka furmay Shir Saddex geesood ah oo ku saabsan xal ka gaarista muranka ku saabsan wadaagga Biyaha Webiga Niil iyo dhismaha Biyo xireenka Itoobiya.

Wasiirrada arrimaha dibedda ee Dalalaka Itoobiya, Masar iyo Suudaan iyo quburo xagga Biyaha iyo ammaanka ah ayaa halkaasi ku yeelanaya wareeg cusub oo wada hadal ah, waxanay ka wada hadli doonaan Biyo-xireenka guud ee Itoobiya iyo sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi guud.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii looga wada faa’iideysan lahaa Kheyraadka Biyaha Webiga Niil iyo la iskuna meel dhigi lahaa saamiga ay qolo walba xagga u leedahay isticmaalkiisa.

Kulankan ayaa waxa uu daba socdaa shir ay Bishii Janaayo ee Sanadkan ku wada qaateen mas”uuliyiinta Saddexda Waddan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, kaas oo ku saabsanaa xal ka gaarista qaybsiga Biyaha Webiga Niil iyo Biyo xireenka Itoobiya ay ka waddo halkaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media