Israa’iil oo dib u soo qabatay Maxaabiis ka baxsaday xabsi amnigiisa adag yahay

Ciidamada Israa’iil ayaa dib u qabtay labadii maxaabiis ee ugu dambeeyay kuwaasi oo ka mid ahaa lix maxaabiis oo Falastiiniyiin ah oo ku dhawaad laba toddobaad ka hor ka soo baxsaday xabsi ammaankiisu aad loo adkeeyay.

Afhayeen u hadlay ciidamada ayaa sheegay in dadka baxsadka ah ay iska dhiibeen magaalada Jenin ee daanta galbeed. Lixda qof ayaa ka baxsday xabsiga Gilboa.

Falastiiniyiinta ayaa la rumaysan yahay inay ka baxsadeen qolka xabsiga ee ay ku wada jireen halkaas oo ay god ka qodeen musqushiisa. Wargeyska The Jerusalem Post ayaa ku warramay inay qoditaanka u adeegsadeen qaaddo daxalaysatay oo ay boor hoostii ku qariyeen.

Godka ayaa waxa uu ku sii xiray dhul qodan oo ku hoos yaal xabsiga kaas oo la sameeyay markii jeelka la dhisayay.

Maxaabiista ayaa la rumaysan yahay inay godkaas mareen oo ay markii dambana ku gaareen dhinaca shishe ee darbiga xabsiga, kaddibna ay qodeen kanaal dhulka hoostiisa mara oo ku soo beegmay bartamaha dhabbe jid-cadde ah oo bannaanka xabsiga mara.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor