Islaamiyiinta Daacish oo ku fekerayo dhismaha Dowladda Islaamiga ee Dhulka Xabashidda

Dagaalamayaasha Daacish ayaa la sheegay inay soo bandhigeen Khariidad ama Map ay ku muujiyeen deegaanadda ay qorsheynayaan inay la wareegaan shanta sanno ee soo socota, waxaana u qorsheysan inay la wareegaan Spain, China iyo qeybo ka mid ah Afrika.

Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa magaalladda London ayaa Warbixin ka qoray Qorshaha Daacish oo iminka ka talisa qeybo ka mid ah dalalka craabta.

Wargeyska waxa uu soo xigtay Weriye ka tirsan BBC-da oo lagu magacaabo Andrew Hosken oo qoray Buug cusub oo loogu magac daray Boqortooyadii Cabsida  ee gudaha Dowladda Islaamka “Empire of Fear: Inside the Islamic State.

Daacish ayaa la sheegay inay doonayso inay Dowlad Islaami ka dhisaam Laga bilaabo Spain ee dhinaca Galbeed ilaa xuduudka Shiinaha ee dhinaca Bari.

Dagaalamayaasha Daacish oo lagu qiyaaso ilaa 50,000 oo qof, waxay kayd ahaan u haystaan ku-dhawaad 2 BILLION oo Giniga Ingiriiska, oo ay ka heleen macaashka goobaha laga soo saaro shidaalka iyo gaaska ee ku yaalla gudaha dalalka Iraq iyo Syria.

Qoraaga  Buugga cusub oo loogu magac daray Boqortooyadii Cabsida  ee gudaha Dowladda Islaamka, Andrew Hosken waxa uu sheegay inuu Abu Muscab Al-zarqaawi asaasay koox ugu dambeyntii la magac baxday Daacish uu sannadkii 1996-kii soo bandhigay Barnaamij 7 Tallaabo ah oo horseedi karta inay Muslimika ku guuleystaan qorshahaasi sannadka 2020-ka.

Khariidada la soo bandhigay ayaa muujinaysa inay Kooxda Daacish iyo Isbahaysiyadooda doonayaan inay Dowlad Islaami ah ka hirgeliyaan Geeska Afrika, oo ay ugu magc-dareen Dhulka Xabashida (The Land of Habasha), kaasi oo dalalka Somalia, Ethiopia, Kenya, Jabuuti, Sudan, Jaad iyo Afrika Dhexe ku xiri doona Xuduudka Islaamiyiinta Maqrib ee Waqooyiga Afrika.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan haddii ay Dagaalamayaasha Alshabaab Somalia la midoobaan Daacish in la filan karo inay wax kasta isbedelaan, oo uu Dagaalkooda ku faafi doono Waddamo haatan ay dadkooda ku caano-maalayaan Nabad iyo Nolol.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor