Isku-Shaandheyn & isbedel lagu sameeyey taliyayaasha Saldhigyada Booliska Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed Gen,Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko,ayaa isbedel iyo isku-shandheyn waxa uu ku sameeyey taliyayaashii saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir.

Isbedelakan ayaa waxa uu saameeyey taliyaashii hore,waxaana sidoo kale la soo kordhiyey taliyayaal cusub oo loo magacaabay Saldhigyada Booliska Gobolkan Banaadir oo ay ka mid tahay Haweeney.

Hoos Ka Akhriso Isbedelada lagu sameeyey talisyada Booliska Saldhigyada Muqdisho.

1.Taliyaha cusub ee degmada Waaberi ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Xabad.

2.Taliyaha cusub ee degmada Shangaani ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Raxma Salaad.

3.Taliyaha cusub ee degmada Shibis ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Macalin Daahir.

4.Taliyaha cusub ee degmada Boondheere ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Saciid oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Shangaani.

5.Taliyaha cusub ee degmada kaaraan ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Canjeex oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Wartanabadda.

6.Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Jajab ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Jimcaale.

7.Taliyaha Booliska degmada C/casiis ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Axmed Baashane.

8.Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Weyne ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Maxamed.

Lama oga waxa soo dadajiyay Isbadalkan lagu sameeyay Taliyayaashii Booliska, waxaase jira warar soo xoogeysanayay oo la xiriiray Isla xisaabtan Taliska Guud ee Booliska ku waday shaqada Hogaanada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor