Isgaarsiintii degmada Buuloburde oo hawada ka maqan iyo dagaal Culus oo ka dhacay

Wararka aan maanta ka heleyno degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Isgaarsiintii degmadaas ay Maanta hawada ka maqan tahay kadib markii ay ku wada dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalamaayal ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in degmadaas ay weerar ku qaadeen islamarkaana uu halkaasi dagaal ku dhex maray Ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab taas oo keentay in ciidamada Jabuuti ay Hawada ka saaraan  Isgaarsiintii degmada Buulburde ee Gobolka hiiraan.

Macada khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee wada dagaalamay mana la ogaan karo xaaalda dhabta ah ee ka jirta degmadaas maadaama ay weli Hawada ka maqan tahay isgaarsiinta Buuloburde.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media