Isbahaysiga Mucaaradka Kenya oo ku baaqay in bandowga laga qaado W/bari Kenya

Hoggaamiyayaasha Isbahaysiga CORD, oo ay ka mid yihiin Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoko ayaa si kulul u cambaareeyey tallaabooyinka ay Dowladda Kenya ku go’doominayso dadka ku nool W/bari Kenya.

Waxay ku baaqeen in Gobalka Wajeer laga qaado bandowga inta lagu guda-jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Raila Odinga waxa uu sheegay inaan horumar la xaqiijin karin inta uu Bandowgu saaran yahay Goballadaasi, wuxuuna ku baaqay in dadka loo oggolaado inay si xornimo leh u socdaan.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Isbahaysiga CORD, waxay sheegeen in dhismaha derbiga dheer ee xayndaabka ah noqon karin tallaabo wanaagsan oo lagula dagaalami karo Dagaalamayaasha Alshabaab.

Kalonza Musyoka waxa isagana sheegay inay Maxkamadda tegi doonaan haddii ay Dowladda ku fashilanto in la qaado Bandowga, ka hor inta aysan bilanin Bisha Ramadaan.

Hoggaamiyaha Gobalka ayaa iyagana sheegay inuu dhismahaasi derbiga 700-km waxyeeli doono Ganacsiga, isla markaana xadgudub ku yahay Dastuurka.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Mucaaradka Kenya waxay booqdeen Degmadda Garissa, oo ay kula kulmeen Guddoomiyaha Gobalkaasi, Ahmed Abdullahi, waxayna khudbaad ka jeediyeen Bannaanbax ka dhacay Barxadda Wajeer Baraza Park.

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor