Isbahaysiga Kenya ee NASA oo sheegay haddii ay ku guuleystaan Madaxtinimadda Kenya in Ciiddankooda laga saari doona Somalia

Hoggaamiyaha Isbhaysiga Sare ee Kenya (National Super Alliance (NASA), Kalonza Musyoka ayaa sheegay inay Ciiddankooda sida ugu dhaqsaha badan uga soo saari doonaan Somalia, haddii uu Isbahaysigooda ku guuleysto Doorashadda Madaxtinimadda ee bisha August ka dhici doonta dalkaasi.

Isagoo ka hadlayey magaalladda Xeebta ee Laamu, waxa uu ka shanqariyey in Go’ankii uu Madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki uu snnadkii 2012-kii Ciiddanka ugu diray gudaha Somalia ahaa mid KMG ah, oo hadafka guud ee lga lahaa aha soo-celinta Nabadda Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay caqli-darro tahay inay Ciiddaankaasi sii joogaan gudaha Somalia, wuxuuna xusay inay Joogitaankooda u abuureen Kenya Dhibaatooyin aan lama huraan ahayn.

Hoggaamiyaha Isbahaysiga Sare ee Kenya (National Super Alliance (NASA) waxa uu is-weydiiyey waxa lag macaashay Ciiddanka Kenya ee k hawlgala Somalia, wuxuuna tilmaamay inay Askar badan ku waayeen Noloshooda, halka kuwo kalena la la’ yahay.

Dhinaca kale, Kalonza Musyoka waxa uu Eedeyn u jeediyey Isbahaysiga Dowladda Kenya ee Jubilee iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Ku-xigeenkiisa, William Ruto, wuxuuna xusay inay ka mas’uul yihiin Nabadgelyo la’aanta iyo Musuqa hareeyey Kenya.

Waxa uu xusay inay Dowladda Jubilee doonayso inay Ciiddanka Kenya ku si ihayaan Somalia, iyadoo Kenya la daalla-dhacayso dhibaatooyin, una baahan tahay Adeegooda Gaarka.

Mar uu ka hadlayey Dagaalamayaasha Alshabaab, waxa uu sheegay haddii uu Isbahaysigiisa ku guuleysto Madaxtinimadda Kenya inay eegi doonaan qaababka Dimuqraadiga ee ay ku wajahayaan Dagaalka Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media