Is-ballarinta Labo Geesoodka ee Dowladda Kenya waa Gardarro aan Garowshiyo Lahayn !!!

HASSAN AND UHURUDowladaha Somalia iyo Kenya waxa ka dhex aloosan Xiisad Diplomaasiyadeed, iyadoo uusan xiriirkooda horey u fiicnayn  15-kii bilood ee la soo dhaafay.

Muranka Milkiyadda Xuduud-baddeed iyo mid Dhuleed ayaana la sheegay inuu asaas hoose u yahay Murankaasi, waxaana la dareemi karaa inay Dowladda Kenya ka meermeerayso in la soo hadal-qaado Boobkeeda ku aadan inay la wareegto  bad ku fadhida masaafo dhan 10,000 oo KM oo isku wareeg ah oo ka mid ah 3,333 KM ee loo aqoonsan yahay Badda Somalia.

Dowladda Federalka waxay Bishii July 12-dii dacwad u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka “International Justice Court “IJC” oo Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda The Hague ee dalka Holland.

Dukumenti-dacwadeedka ayaa  ka koobnaa  150 Bog oo ku aadan Boobka ay Dowladda Kenya ku doonayso inay ku xallaaleysato Sohdinta Badda Somalia.

Dowladda Kenya waxay dhegaha ka fureysatay inay joojiso Is-ballaarinteeda, waxayna had iyo jeer muujisaa inay doonayso inay Labada Dowladood xaal-mastuur ku dhamaystaan Murankaasi, oo aan Maxkamadda Calaamiga ee IJC loo gudbinin Kiiskaasi.

Muranka Badda 1Waa hubaal in Dowladda Kenya shax qarsoon ka leedahay Wada-xaajoodka Labada Dowladood, waxayna ciyaaraysaa Siyaasad Is-ballarinta Labo Geesoodka ee dhinaca Badda iyo Derbiga ay ka dhex dhisanayso gudaha Xuduudka, gaar ahaan ku beegan qeybta Gobalka  Gedo ee ku dherersan Xuduudka labada dal.

Mashruuca Kenya ee Dhismaha Derbiga oo dhererkiisu dhan yahay 800-KM waxay Kenya bilowday bishii March ee sannadkan, wuxuuna dhismuhu haatan ka socda gudaha xuduudka Somalia.

Waana taasi arrinta Xiisadda Diplomaasiyadeed sare u kicisay, isla markaana ay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed  ka dhiidhiyeen Falaad-xumida Kenya ee u muuqda Gef aan Garowshiyo Lahayn.

Gardarradda Siyaasadeed ee Kenya ayaana noqotay Qaddiyad Qaran oo u baahan in wadiiqad kasta looga hortago, illayn waa Damiir-xumo haddii laga aamuso Gardaradda iyo Boobka Kenya.

Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka Soomaaliya oo lagu xaman jirey inay had iyo jeer ansixiyaan Mooshinka Dufanaysan ayaa waxay markii ugu horreysay shalay si wadajir ah u ansixiyeen Go’aan ku boorinayo Xukuumadda Federalka in Ciiddanka Kenya laga saaro gudaha dalkeenna.

Xildhibaanadda oo malaha ay weli ku jirto Dareenka Waddaniyadda iyo Axyaa Waddan ayaa waxay qaateen go’aan marka loo fiiriyo dhinaca Diplomaasiyadda aad u baaxad weyn, waxaana la dareemi karaa inuu Go’aankaasi saamayn xilli dhow iyo muddo dheer yeelan karo.

Hadal-haynta Xildhibaanadda ayaa waxa uu muddo dheer ku taagnaa Sharcinimadda  Joogitaanka Ciiddamadda Nabad-ilaalinta AMISOM, gaar ahaan kuwa dalalka deriska oo iyagu loo arko inay sii ololin karaan Mashaqada Colaadeed iyo Siyaasadeed ee ka aloosan dalkeenna.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo baahan yahay in si mideysan loo difaaco Qaddiyadda Qaranka, iyadoo Isballaarinta Dowladda Kenya tahay Gardarro aan Garowshiyo Lahayn !!!?

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor