IOM oo la kulantay Muhaajiriin Soomaali ku sugan Liibiya oo ku soo fool leh Muqdisho.

Hay’adda Socdaalka Caalamiga (The International Organization for Migration (IOM) ayaa sheegtay inay Kulan Wacyi-gelin ah shalay u qabteen Koox Muhaajiriin Soomaali oo la filayo in bishan 29-da dib ugu soo laabtaan magaalladda Muqdiosho.

Madaxa Xafiiska IOM ee dalka Libya, Maxamed Al-xamuusi oo la hadlay Wargeyska Libya Observer ayaa sheegay inay bilaabeen Olole Wacyi-gelin ah Muhaajiriinta Soomaalida ee sharci-darradda ku joogta dalka Libya loogu faahfaahinayo Barnaamijka IOM ee Dib-u-celinta Muhaajiriinta Soomaalida ee iskooda u go’aansda inay dib ugu soo laabntaan dalkooda hooyo ee Somalia.

Tiro ka mid ah Muhaajiriinta iskooda u go’aansaday inay ku soo laabtaan Somalia ayaa  ayaa la baray Nidaamka Dhoofka ee Garoonka Diyaaradaha iyo Kaalmadda ay IOM ku taageerayso Dib u celintooda.

Muhaajiriintaasi ayaa la qorsheynayaa inay bishan 29-da ka soo dhoofaan Garoonka Diyaaradaha ee MITIGA AIRPORT oo ku yaalla Caasimadda dalka Libya ee Tripoli, waxaana la filayaa inay isla maalintaasi ka soo degaan Garoonka Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iyo Hay’adda Socdaalka ee dalka Libya waxay Bilowgii isbuucan si wadajir ah  Muhaajiriintaasi u qeybiyeen  Waraaqaha KMG ee Socdaalka (Temporary Travel Documents), si loogu fududeeyo inay dib ugu laabtaan dalkooda Hooyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media