Internet la’aanta maanta ka jirta Muqdisho oo saamaysay Doodihii Murashixiinta.

Tan iyo xalay waxaa magaalladda Muqdisho laga dareemayey baahida dhinaca Adeegga Internet-ka, taasi oo saamayn xooggan ku yeelatay dhamaan Xafiisyadda Hay’adaha, Shirkadaha Khaaska, Xarumaha Xawaaladaha iyo dhamaan dadka  macaamilka la ah Adeeggaasi.

Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud oo ka mid ah Shirkadaha bixiya Adeegga Internet-ka, waxay xalay Farriimo SMS u kala dirtay Macaamiishooda, oo ay ku wargelisay in hawl horumarin lagu samayn doono Khadka Internetka iyo inuu Adeegaasi hawada ka maqnaan doonto laga bilaabo 09:00 Fiidnimo ilaa 04:00 Habeenimo ee xalay.

Inkastoo la dhaafay xilligii ay sheegeen inay ku hagaajin doonaan Adeegaasi, haddana waxay weli ka maqan yihiin Hawada, taasi oo saamayn xooggan ku yeelatay Kumanaanka macaamil ee ku xiran Internet-ka Hormuud.

Warar madax bannaan ayaa sheegayo in Shirkadda DELCOM ee bixisa Khadadka Internet-ka ee laga isticmaalo guud ahaan Somalia iyo dalalka deriska ay soo wajahday Cillad Farsamo ee Xarkadaha Internet-ka ee Badda hoostooda la soo marsiiyey.

Hawl-wadeenadda Shirkadaha bixiya Adeegyadda Internet-ka ayaa dadaal ugu jira sidii ay macaamiishooda u qancin lahaayeen, inkastoo aysan si cad u sheegi karin halka cilladdu ka timid.

Dhinaca kale, Doodaha Murashaxiinta Madaxtinimadda oo lagu waday in maanta la bilaabo ayaan weli la guda-gelin, iyadoo Telefishinka SNTV oo baahin lahaa Doodahaasi haysato Internet la’aan.

Madasha Doodda waxaa ku sugan Murashixiinta maanta u ballansanaa Dooddaasi, balse waxaa loo sheegay in la hakiyey ilaa laga helayo Internet, si Tebin Toos ah loogu baahiyo Telefishinka SNTV.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee Internet la’aan baahsan ay Muqdisho ka dhacdo, taasi oo saamaysay Macaamiisha Khadadka internet-ka ka qaata  Shirkadaha ka hawlgala Muqdisho.

©Radio Dalsan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media