Ingiriiska oo ka digay Haweeney Basaas ah oo ku dhex milantay Baarlamaan Dowladeed

Hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5 ayaa bixisay digniin dhif ah oo ku aaddan haweenay basaas u ah Shiinaha oo ku dhex milantay Baarlamaanka dalkaasi si saamayn loogu yeesho siyaasadda UK.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Christine Ching ayaa la sheegay in xiriir qoto dheer u abuurtay xisbiga talada Shiinaha haya ee CCP iyo xildhibaano baarlamaanka UK ka tirsan iyo kuwa hadda rejo badan ka qaba in ay ku biiraan siyaasadda UK>

Waxaa la sheegay in ay lacago ugu yaboohday siyaasiyiin reer UK ah, lacagtaas oo la sheegay in ay badankeed Shiinaha ka timid. Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib baaritaan dheer oo ay samaysay hay’adda MI5 sida illo xog ogaal ah ay u sheegeen BBC-da.

Xoghayaha arrimaha gudaha Britain Priti Patel ayaa sheegtay in ay aad uga walaacday arrinka ah in qof lagu ogyahay in uu u shaqeeyo Shiinaha uu xiriir caynkaas ah la yeesho xildhibaanada.

Sirdoonka waxa ay sheegeen in qof kasta oo xiriir la sameeya haweenaydaas ay ogaadaan xiriirka ay la leedahay xisbiga CCP , islamarkaasna tahay qof horey marinaya ajandayaasha Shiinaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor