Ingiriiska oo cod Afti ah u qaadi doona ka bixintaankooda Midowga Yurub

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa sheegay in natiijada aftida ay noqon doonto mid aan ka laabasho lahayn haddii cododkasi la dhiibto.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaa raaciyay in haddii dadka dalkaasi ay u codeeyaan in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, uu go’aankaasi noqon doono khaladkii ugu weynaa oo ay galaan.

Dhanka kale, Michael Gove, oo xubin muhiim ah ka ah kuwo u ololeynaya in Britain iney ka baxdo Midowga Yurub, ayaa shacabka dalkaasi ugu baaqay in ay “u codeeyaan dimuqraadiyada” ayna aftida Khamiista dhacaysa ku go’aamiyaan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Ololaha aftida ayaa dib u bilowday, kadib markii muddo 3 maalmood ah loo hakiyay dilkii loo geystay xildhibaan Jo Cox oo lagu toogtay agagaarka magaalada Leeds.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor