India:- Maxbuus Somali oo cuddurka Qaaxadda u geeriyooday.

Mid ka mid ah 120 Burcad-baddeed Somali ah oo muddo afar sanno ku xirnaa dalka India ayaa la sheegay inuu maalintii Axadda ee la soo dhaafay ku dhex geeriyooday Isbitaal ku  yaalla magaalladda Mumbai ee dalkaasi.

Marxuumka geeriyooday oo la oran jirey Abdi Jama ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaalka JJ Hospital oo ku yaalla magaalladda Mumbai.

Wargeyska Times of India oo aan ka soo xiganay Warkan ayaa qory Abdi Jama oo 28-jir ahaa uu waayadan dambe la xanuunsanaa cuddurka Qaaxadda iyo xanuun ka hayey Sambabadda.

Wargeyska waxa uu qoray in Marxumka geeriyooday ee Axmed Jaamac degaan ahaan ka soo jeedo magaalladda Muqdisho, waxaana magaca hooyadiisa lagu soo koobay Bargi.

Ciiddanka Badda ee India ayaa horey u sheegay inay Marxuumkaas iyo dhallinyarro kale oo Somali ah ka soo qabteen Xeebaha Somalia bishii March 16-dii ee sannadkii 2011-kii, wuxuuna afartii sanno ee la soo dhaafay ku xirnaa Xabsiga Taloha ee magaalladda Mumbai.

Dhinaca kale, Safaaradda Somalia ku leedahay caasimadda dalka India ee New Delhi ayaa lagu wargeliyey geerida Marxuumkaasi, waxaana la filayaa inay abaabulaan qorshihii Marxuumkaasi lagu aasi lahaa.

Geerida Marxuumkaasi ayaa ku soo beegantay iyadoo ay 119-ka Burcad-baddeed ee ku xiran dalka India go’aansadeen inay qirtaan Eedeymaha loo haysto, si taasi u fududeyso inay xukunkooda ku dhamaystaan gudaha dalkeenna Somalia.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor