In ka badan kun Tahriibayaal oo laga soo badbaadiyey Xeebaha dalka Libya.

Kooxada Gargaarka ee MSF iyo SOS ayaa sheegay in haweeney ka mid ah Tahriibayaasha geeriyootay, wax yar kadib markii la soo badbaadiyey.

Ku-dhawaad 400 Tahriibayaal la socday dooni alwaax ah ayaa la badbaadiyey, halka kuwa kalena ay la socdeen doonyo waa weyn oo ay kaga soo shiraacdeen Xeebaha dalka Libya.

Labo Markab ayaa u gurmaday Tahriibayaasha, waana gurmadkii 2-aad ee lagu soo badbaadiyo Tahriibayaasha isbuucan.

Ku-dhawaad 22,000 Tahriibayaal badankooda ah Afrikaan ayaa sannadkan la soo badbaadiyey, iyadoo ku-dhawaad 520 kalena ku geeriyoodeen inta ay ku soo jireen Tahriibkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media