HomeCaalamkaIn ka badan 70 qof oo ku dhintay duufaano xoog leh oo...

In ka badan 70 qof oo ku dhintay duufaano xoog leh oo ku dhuftay Lix Gobol

Date:

Related stories

Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay ‘Wadnaha’ Dhaqaalaha Badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha, isagoo ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga badda iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

Dekedaha Iiraan iyo Cadaadiska Trump: Ma la gaaray xilligii xabbad joojin rasmi ah mise waa xeelad cusub?

Donald Trump oo go'aan layaab leh ka qaatay Iiraan: Xabbad-joojin la kordhiyay iyo xanibaado cusub oo lagu adkeeyay dekedaha.

NISA Confirms Airstrike in Guulane Kills Al-Shabaab Members

The first operation targeted a house where Al-Shabaab leaders and militiamen were stationed. At least 15 members were killed in the strike. The militants' base was also destroyed, which they had been using to organize militias and plan acts of destabilization.

Iiraan oo awooddeeda tustay caalamka xilli xabbad-joojin la hadal hayo.

Iiraan oo soo bandhigtay gantaal gaaraya 2,000 KM xilli la hadal hayo xabbad-joojin uu ku dhowaaqay Donald Trump.

Turkey Expands Its Role in Counterterrorism Operations in Somalia

"Türkiye will directly support the efforts of Somali forces against Al-Shabaab and ISIS," Fidan said, elaborating on plans to expand security cooperation and counterterrorism operations.

In ka badan 70 qof ayaa ku dhintay duufaan ku dhifatay lix gobol oo Mareykanka ah, gaar ahaan gobolka Kentucky, taas oo sidoo kale bur-burisay guryo iyo goobo ganacsi, sida ay Sabtidii sheegeen saraakiisha laga doorto gobolladaas.

Tobaneeyo qof ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen warshad shumaca sameysa oo ku taal galbeedka Kentucky, halkaas oo ilaa 110 qof ay ka shaqeynayeen markii duufaan xoog leh ay ku dhufatay goor dambe oo Jimcihii ah.

Guddoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear ayaa sheegay in 40 ka mid ah 110-ka shaqaale laga soo badbaadiyay warshadda ilaa hadda.

“Heerka burburku wuu ka duwan yahay wax kasta oo aan weligay arkay,” ayuu yiri Beshear isagoo ka hadlaya waxyeelada ay keentay duufaantan, oo ku socotay xawaare ka badan 227 mayl (365 km), sida ay qortay walaaladda wararka ee Reuters.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Sabtidii amray in taageerada dowladda Federaalka loo kordhiyo gobollada ay waxyeelleysay duufaantan.

Gobollada Illinois, Tennessee, Missouri and Arkansas, iyo Mississippi ayay sidoo kale duufaantani ku dhishay dhowr qof oo kale.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories